HomeWararMunaasabad Ahlusunna ay ku qaban laheyd Dhuusamareeb oo la joojiyay

Munaasabad Ahlusunna ay ku qaban laheyd Dhuusamareeb oo la joojiyay

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa joojiyay Munaasabad qado Sharaf ah oo halkaas lagu qaban lahaa.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Munaasabadda ay aheyd mid lagu soo dhaweeynayay 20-ka Xildhibaan ee Ahlusunna Waljameeca laga siiyay Baarlamaanka Cusub ee Galmudug ee maalmo kahor lasoo Bandhigay.

- Advertisement -

Amarka lagu joojinyayo Munaasabadda ayaa waxaa la gaarsiiyay dadkii qaban-qaabinayay Munaasabadda oo lagu waday in saacadaha soo socda ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada amniga dowladda ee halkaas ku sugan ayaa kal hore soo saaray Amar ah in gudaha Dhuusamareeb aan lagu qaban karin Shirar ama Munaasabado aysan ogeyn dowladda Federaalka.

Si kastaba Joojinta Munaasabaddan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Ahlusunna Waljameeca ay qaadaceen Shuruudaha kamid ah noqoshada Xildhibaanada Cusub ee Galmudug oo xalay ay soo saareen Guddiga Doorashada Galmudug.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories