HomeWararMadaxweyne Deni oo daah-furay Qorshe howleedka Guddiga Doorashooyinka Puntland

Madaxweyne Deni oo daah-furay Qorshe howleedka Guddiga Doorashooyinka Puntland

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa xalay daah-furay qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), taasi oo lagu soo bandhigay jadwalka shaqo ee loo marayo hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa xalay daah-furay qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), taasi oo lagu soo bandhigay jadwalka shaqo ee loo marayo hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sheegay in magacaabista Guddigan xilli hore iyo daah-furka qorshe-hawleedkooda ay ka turjumeyso sida ay Puntland uga go’antahay hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland.

- Advertisement -

Arrimaha Doorashada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ka hadlay, wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya uga qabsoomi karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray in aysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal.

Xafladda daah-furka qorshe-hawleedka (TPEC) Masuuliyiintii ka qeybgashay waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland hadana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Faroole, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Puntland, Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’addaha taageera Dimuqraadiyadda, Xafiiska Difaacaha xaquuqul Insaanka ee Puntland, Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ururada Bulshada Rayidka ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories