HomeCaalamkaAmiirka Qatar oo aan ka qeyb galeyn Shirka Khaliijka oo Maanta furmay

Amiirka Qatar oo aan ka qeyb galeyn Shirka Khaliijka oo Maanta furmay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani kama qeyb-gali doono shir madaxeedka Khaliijka ee manta ka furmay magaalada Riyadh, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda, taasi oo wiiqday rajadii laga qabay dib u heshiin dhex marta Doha iyo isbahaysiga Riyadh ay hogaamiso. Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa dhammaan xiriiradii diblomaasiyadeed iyo kii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani kama qeyb-gali doono shir madaxeedka Khaliijka ee manta ka furmay magaalada Riyadh, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda, taasi oo wiiqday rajadii laga qabay dib u heshiin dhex marta Doha iyo isbahaysiga Riyadh ay hogaamiso.

Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa dhammaan xiriiradii diblomaasiyadeed iyo kii socdaal u gooyey Qatar bishii June ee 2017, sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inay taageerto argagixisada, islamarkaana xiriir la leedahay dalka Sacuudiga ay xifaaltamaan ee Iran.

- Advertisement -

Qatar si kulul ayey u beenisay eedeymahaas.

Amiir Tamim ayaa ra’iisul wasaaraha dalka Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al-Thani u magacaabay inuu hoggaamiyo ergo ka socota Qatar oo ka qeyb-galaysa shir madaxeedka maanta furmay ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, sida ay werisay wakaaladda wararka QNA.

Rajada dib u heshiin dhex marta labada dhinac ayaa soo muuqanaysay dhowaanahan inkasta oo Doha ay diiday inay aqbasho shuruudaha ay ku xireen dalalka xiriirka u jaray.

- Advertisement -

Kadib markii boqorka Sacuudia Salman uu Amiir Tamim ku casuumay kulanka, wasiirka arrimaha dibedda Qatar ayaa sheegay in “xooga horumar ah” laga sameeyey wada-hadallo ay la leeyihiin Riyadh.

Tallaabo ay qaadeen daqiiqaddii ugu dambeysay ayaa sidoo kale saddexda dal ee Khaliijka waxay ku aqbaleen inay ka qeyb-galaan tartanka kubadda cagta Khaliijka ee lagu qabtay Qatar, taasi oo hogaamisay hadal hayn ku saabsan in xal diblomaasiyadeed uu dhow yahay.

Qaar ka mid ah taxliiliyayaasha siyaasadda ayaa rumeysnaa in shirka Khaliijka ee Riyadh uu dhabbaha u xaar lahaa “shir dib u heshiisiin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts