HomeWararWasiirka Amniga oo ka hadlay dilkii loo geystay Marxuumad Almaas Elman

Wasiirka Amniga oo ka hadlay dilkii loo geystay Marxuumad Almaas Elman

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Maanta ka hadlay dilkii dhawaan loo geystay Almaas Elman. Wasiir Islow oo Maanta hortegay Xildhibaanada Golaha Shacabka si loo weydiiyo su’aallo ayaa sheegay in laamaha amniga dowladda ay baaritaano ku wadaan sida uu u dhacay dilkii Almaas, kaasi oo ka dhacay gudaha Xarunta Xalane […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Maanta ka hadlay dilkii dhawaan loo geystay Almaas Elman.

Wasiir Islow oo Maanta hortegay Xildhibaanada Golaha Shacabka si loo weydiiyo su’aallo ayaa sheegay in laamaha amniga dowladda ay baaritaano ku wadaan sida uu u dhacay dilkii Almaas, kaasi oo ka dhacay gudaha Xarunta Xalane ee Muqdisho.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa tilmaamay in markii dhamaato baarista Natiijada kasoo baxda ay la wadaagi doonaan Ehelada Marxuumada iyo Bulshada, isla markaana weli ay socdaan baaritaano kala duwan oo lagu wado Kiiskaas.

Si kastaba Allaha u naxariistee Marxuumad Almaas Elman ayaa lagu toogtay Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane ee ku dhex taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoona Almaas u geeriyootay rasaas madaxa uga dhacday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories