HomeWararSawirro:-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo gaaray Berbera

Sawirro:-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo gaaray Berbera

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil  (Saylici) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa si weyn loogu soo dhaweeyey. Safarka Madaxweyne ku xigeenka ayaa ujeedadiisu tahay kormeerka Mashruuca JPLG ee Dawladaha Hoose ee Berbera, Burco iyo Oodweyne, mashruucan oo uu Madaxweyne […]

- Advertisement -

Madaxweyne xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil  (Saylici) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa si weyn loogu soo dhaweeyey.

Safarka Madaxweyne ku xigeenka ayaa ujeedadiisu tahay kormeerka Mashruuca JPLG ee Dawladaha Hoose ee Berbera, Burco iyo Oodweyne, mashruucan oo uu Madaxweyne ku xigeenku gardhaweyn ka yahay ayaa sannadkiiba hal mar uu kusoo kormeeraa Degmooyinka uu mashruucaasi ka socdo.

- Advertisement -

Maayirka Degmada Berbera iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Berbera oo uu kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenku ayaa waxa ay ka warbixiyeen geedi socodka Mashuurca JPLG, waxa uga qabsoomay muddadii ay joogeen iyagoo si rasmiya usoo bandhigay wax qabad buuxa iyo taabagelinta qorshihii mashruucaasi, waxaana ay sheegeen inay xooga saareeen Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil  (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadin usoo jeediyey Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo ay horkacayaan Maayirka iyo Xoghayaha fulinta, waxaana uu ku amaanay masuuliyada xilkasnimada leh ay sameeyeen iyo siday uga dhabeeyeen himiladii mashruucaasi dhankooda.

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Muhiimadu dhaqaalaha uun maaha ee waa siduu wax u maamulo bani aadamku, waa sidaa imika qaramada caalamka  waddan dhaqaale badani soo galo, haddana daynta iyo dhibaato iyo wareer ku jira, dal yar oo haddana aan kheyraad lahayn haddana si fiican wixiisa u maamushay, waxaynu u baahan nahay in Degmo walba waxa yar ee ay haysato si wacan u maamulato, maamulka wanaagsan uun baa bani aadamka wax gaarsiiya, adeegiisana hagaajiya”.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories