HomeWararSoomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Maal-gashiga Afrika

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Maal-gashiga Afrika

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya Xildhibbaan Fahma Axmed Nuur iyo wafti ay hoggaaminayso oo ka socday Waaxda Maal-gashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, ayaa dalka Masar kaga qeyb-galay shir ku saabsan Maal-gashiga Afrika ee 2019.

Shirkan, ayaa waxa iskugu yimi dawladaha Afrika, Deeq-bixiyeyaasha, Maal-gashadeyaal iyo weliba Baananka Horumarinta aduunka.

Shirka ayaa laga ga hadlay qorshaha horumarinta Afrika ee 2063, gaar ahaan dhinacyada Maal-gashiga oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana halkaas laga ga hadlay dhaqaale ay Baananka Aduunku ay maal-gashi kaga sameynayaan guud ahaan Afrika.

Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya, ayaa muddooyinkii dambe waday dedaalo ay dalka ugu soo jiidayso Maal-gashadeyaal caalami ah, waxaana ay aad ugu mashquulsan tahay siddii dalka looggu diyaarin lahaa Maal-gashi gudeed iyo mid dibaddeed ba oo caalami ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories