HomeWararC/raxmaan C/Shakuur “Wadaadkii dhiigeyga banneeyey waxaa soo abaabushay Hay’adda Nabadsugida”

C/raxmaan C/Shakuur “Wadaadkii dhiigeyga banneeyey waxaa soo abaabushay Hay’adda Nabadsugida”

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys, kaasi oo ahaa in Siyaaasiga uu ku dhacay fal kufri ah. C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu sheegay in muuqaalkii uu soo duubashay Xasan Daahir Aweys uu ahaa mid ay soo abaabushay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya, isla markaana waxaa […]

- Advertisement -

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys, kaasi oo ahaa in Siyaaasiga uu ku dhacay fal kufri ah.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu sheegay in muuqaalkii uu soo duubashay Xasan Daahir Aweys uu ahaa mid ay soo abaabushay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya, isla markaana waxaa uu dowladda ku eedeeyay inay fududeysay muuqaalkii Xasan Daahir uu fadwada uga soo saaray.

- Advertisement -

“Waxaan ognahay in wadaadkii Argagixisad ahaa ee shalay dhiigeyga banneeyey gaalnimadana igu xukumay ay soo abaabushay Hay’adda nabad-sugiddu waxaan ogahay isagoo jirran in kaniini lasiiyey oo lasoo kiciyey, Maadaama dowladdu fududeysay soo gudbinta fatwada wadaadka argagixisada ah wax diidaya malahan inay barri soo abaabusho dilkayga” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu tilmaamay in uusan aheyn qof isla weyn oo diida talladii loo jeediya, isla markaana uu yahay qof sumad ku dhex leh Bulshada.

“Dowladdu waxay isku caddeysay in iyadii maanta ay Argagixisadii isticmaaleyso oo lacagteeda ku bixineyso,Ma ahi nin isla weyn oo taladii loosoo jeediyo diida laakiin dadka Soomaaliyeed ha ogaadaan dagaalka igu socda ee dowladdu sharafteyda ku dileyso” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories