HomeWararWasiirkii hore ee Waxbarashada oo ka hadlay Dil Ciidanka AMISOM ay geysteen

Wasiirkii hore ee Waxbarashada oo ka hadlay Dil Ciidanka AMISOM ay geysteen

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay Dil shalay Ciidamo Jabuuti ee qeybta ka Howlgalka AMISOM ruux shacab ah ugu geysteen Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan. Wasiir hore C/raxmaan Cusmaan ayaa waxaa uu sheegay in uu aad uga xunyahay falkii Ciidanka Jabuuti ay ku dileen Wiil […]

- Advertisement -

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay Dil shalay Ciidamo Jabuuti ee qeybta ka Howlgalka AMISOM ruux shacab ah ugu geysteen Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Wasiir hore C/raxmaan Cusmaan ayaa waxaa uu sheegay in uu aad uga xunyahay falkii Ciidanka Jabuuti ay ku dileen Wiil dhalinyaro ah qof kalena ku dhaawaceen, kuwaasi oo kamid ahaa dad banaanbax ka waday Degmada Buulo-burte, isagoona tilmaamay in falkaas uu yahay mid aan la aqbali Karin.

- Advertisement -

Sidoo kale C/raxmaan Cusmaan ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in wax laga xumaado ay tahay in shacabka reer Buulo-burte oo go’doon ku jiray muddo lix sannadood, isla markaana dhigayay banaanbax nabadeed ay rasaas ku furaan Ciidanka Jabuuti.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa sheegay in Ciidamada Jabuuti lala xisaabtsami doono, isagoona ku eedeeyay in kal horey qof shacab ah ay baabur dardarsiiyeen, sidoo kale ay toogteen ruux kale oo shacab ahaa.

Si kastaba hadalkan Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo shalay Ciidanka Jabuuti ay rasaas ku fureen dad banaanbax ka waday Buuro-burte, kaasi oo ay uga soo horjeedeen Maamul Cusub oo dhawaan loo magacaabay degmadaas, waxaana rasaasta uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah, halka qof kalena dhaawac uu soo gaaray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories