HomeWararWararkii ugu dambeeyay Qaraxii lagu dilay Guddoomiye Maxamed Yarow

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii lagu dilay Guddoomiye Maxamed Yarow

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxii Maanta lagu dilay Guddoomiyihii Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Aweys Abuukar oo loo yaqaanay Maxamed Yarow.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Gaariga uu la socday Guddoomiye Yarow lagula eegtay xili uu socdaal ku marayay inta u dhexeeya deegaanka Sabiib iyo Degmada Awdheegle ee Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale qaraxa uu ku dhintay Guddoomiyihii Awdheegle ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray saddex Askari oo ilaalo u ahaa, kuwaasi oo la socday gaariga uu qaraxu haleelay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa xaqiijiay geerida Maxamed Yarow, isagoona Degmada Awdheegle Guddoomiye ka ahaa lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Awdheegle, iyagoona halkaas  ka soo qaaday Meydka iyo Askartii dhaawaca uu soo gaaray, kuwaasi oo la geeyay degmadaas.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas, hayeeshee qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegta Al-shabaab.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories