HomeWararTaliyihii Booliska G/Nugaal oo shaqo joojin lagu sameeyay iyo sababta keentay

Taliyihii Booliska G/Nugaal oo shaqo joojin lagu sameeyay iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland S/Guuto Muxiyadiin Axmed Aw Muuse ayaa waxaa shaqadii looga joojiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal. G/Sare Mu’min Cabdi Shire oo ahaa Taliyihii Booliska Nugaal ayaa  waxaa lagu eedeeyay inuu sameeyay amar diido iyo xil gudasho la’aan, isla markaana waxaa uu Taliye Muxiyadiin Axmed Go’aan ku […]

- Advertisement -

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland S/Guuto Muxiyadiin Axmed Aw Muuse ayaa waxaa shaqadii looga joojiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal.

G/Sare Mu’min Cabdi Shire oo ahaa Taliyihii Booliska Nugaal ayaa  waxaa lagu eedeeyay inuu sameeyay amar diido iyo xil gudasho la’aan, isla markaana waxaa uu Taliye Muxiyadiin Axmed Go’aan ku gaaray inuu shaqo joojin ku sameeyo.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa la sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland iyo Taliyaha shaqo joojinta lagu sameeay uu ka dhexeeyay Khilaaf xoogan, kaasi oo sababay in labada dhinac ay dhexmari weyso washaqeyn toos ah.

Shaqadii Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa waxaa sii wadi doona ku-xigeenkiisa iyo Saraakiisha Booliska Gobolkaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories