HomeWararKulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa kulan looga hadlaayay amniga Caasimadda ku yeeshay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenada amniga ee Degmooyinka Gobolka. Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayay Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuulax, waxaana ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenada amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha laamaha amniga dowladda. Inta uu kulanka socday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa kulan looga hadlaayay amniga Caasimadda ku yeeshay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenada amniga ee Degmooyinka Gobolka.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayay Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuulax, waxaana ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenada amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha laamaha amniga dowladda.

- Advertisement -

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga hadlay xaadalihii ugu dambeeyay ee amniga Magaalada Muqdisho iyo sidii loo dardargelin lahaa hawlaha Amniga iyo Siyaasadda ee ka socda degmooyinka Gobolka.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay u diyaarar garoowga Gurmadka degdega ee Roobabka mahiigaanka ee kusoo wajahan deegaano ka tirsan Soomaliya, iyadoona heegan la geliyay Saldhigyada Booliska ee ku yaalla Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuulax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in amniga Caasimadda haatan uu yahay mid wanaagsan, isla makaana ay yaraadeen weeraradii iyo dilalkii ka dhici jiray Magaalada.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Tuulax in warbixino uu ka dhageystay laamaha amniga dowladda loogu sheegay in bilihii la soo dhaafay amniga Caasimadda laga gaaray horumar.

Ugu dambeyntii Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuulax ayaa u mahadceliyay laamaha amniga dowladda Soomaaliya, isagoona kula dardaarmay inay sii xoojiyan sugida amniga Magaalada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts