HomeWararAl-shabaab oo la wareegay deegaan ku yaalla duleedka Gaarisa

Al-shabaab oo la wareegay deegaan ku yaalla duleedka Gaarisa

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Wararka aan ka heleyno deegaan duleedka ka ah Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi badan ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, kadib dagaal dhacay.

Al-shabaab ayaa saqdii dhexe ee habeenkii xalay aheyd waxaa ay weerar dhowr jiho ah ay ku qaaday Saldhiga Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Dhicise oo qiyaastii 30 KM ujira Magaalada Gaarisa.

Intaas kadib dagaal toos ah ayaa gudaha saldhiga ka qarxay, kaasi oo u dhexeeyay Al-shabaabkii weerarka soo qaaday iyo Ciidana ku sugnaa gudaha Saldhiga.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in Ciidanka Booliska Kenya ay kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise, islamarkaana ay dab qabadsiiyeen Xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee ku taallay halkaas.

Sidoo kale Warka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ragii weerarka ku qaaday Saldhiga Kenya ay halkaas kasoo qaateen wixii yaallay oo u badnaa saanado melleteri oo lahaayeen Ciidamada Kenya.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciianka dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in Al-shabaab ay qabsadeen Saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Dhicise oo qiyaastii 30 KM ujira Magaalada Gaarisa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories