HomeWararWarbixin: 10-sano oo kasoo wareegatay Qaraxii Hotel Shaamow ee Muqdisho

Warbixin: 10-sano oo kasoo wareegatay Qaraxii Hotel Shaamow ee Muqdisho

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

3-da Bishii December ee sanadkii 2009-ka Hotelka Shaamow ee ku yaalla Magaalada Muqdisho waxaa xili duhur oo ay hotelka ka socotay xaflad qalin jebin ah ka dhacay qarax musiibo ahaa, kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hotelka ayaa waxaa ka socotay Munaasabadda qalin jebinta Ardaydii Dufcadii labaad ee Jaamacadda Banaadir, kuwaasi oo bartay  culuunta kala duwan ee lagu dhigo Jamacadaasi, waxaana goobta ku sugnaa Arday faraxsan, Waalidiin, Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka tirsanaa qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Jawigu waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan ardaydu waxa ay ku labisnaayeen dharka lagu yaqaano dadka ka aflaxay waxbarashada jaamacadeed ee shahaadada lagu guddoonsiiyo.

Dadkii ku sugnaa goobta waxa ay ahaayeen kuwo dhageysanayey khudbadaha ay jeedinayeen qaar ka mid ah ka qeyb galeyaasha, marqura waxaa is badalay jawigii  ku dheehnaa farxada waxaa la maqlay qarax weyn oo gilgilay Hotelkii, jawiga waxa uu noqday mid isku badalay murug.

Qaraxii ka dhacay Hotelka waxa uu galaabtay dad badan oo ay kujireen Seddax wasiir oo mar qura goobta ku nafbaxay kuwaas oo kala ahaa Qamar Aadan Cali wasiirkii caafimaadka, Maxamed C/llaahi Waayeel wasiirkii waxbarashada iyo prof  Ibraahim Xasan Cadoow  iyadoo ay ku geeriyoodeen dhaqaatiir uu ka mid ahaa Prof  Maxamed Aadan Warsame Shahiid.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku geeriyooday arday, waalidiin iyo wariyeyaal ku sugnaa goobta munaasabada ay ka dhaceysay, qaraxaasi oo sababay dhimashada 30 qof.

Waa mid kamid ah dhacdooyinka ugu murugada badnaa ee abid soo maray Soomaaliya, maadaama la qarxiyay Munaasabad ay ku qalin jebinayeen Boqolal arday, mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas lagu hoobtay ee ka dhacay Hotelka Shaamow ee ku yaalla Magaalada Muqdisho

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories