HomeCaalamkaTrump oo si kulul ugu Jawaabay Madaxweynaha Faransiiska

Trump oo si kulul ugu Jawaabay Madaxweynaha Faransiiska

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhiggiisa Farasnsiiska Emmanuel Macron ku eedeeyay hadalkii ka soo yeeray ee ahaa in hadafkii gaashaan buurta Nato uu dhintay.

Mr Trump ayaa haatan ku sugan magaalada London halkaasi oo uu kaga qeyb galayo 70 guuradii gaashaan burta Nato.

War saxaafadeed ayuu Mr Trump ku sheegay in Nato ay qabatay shaqo badan oo ka mid ah hadafkii loo asaasay, hadalka Macrona uu yahay mid aflagaaddo ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay u muuqato in Faransiiska uu ka baxayo Nato, balse sababta ma uusan sharixin.

North Atlantic Treaty Organisation ”NATO” ayaa waxaa la aasaasay ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxaana looga gol lahaa in looga hortago dhibaatadii sii baahaysay ee Midowga Soviet. 29-ka xubnood ayaa waxay ku heshiiyeen inay iska caawiyaan weerarkasato oo lagu soo qaado.

Balse Mr Macron ayaa bishii la soo dhaafay sheegay in xubnaha ka tirsan Nato aysan si wadajir ah iskala shaqeyn arrimaha taagan.

Waxa uu ku tilmaamay in gaashaanbuurta Nato uu dhintay hadafkii loo aasaasay isagoona carrabka ku adkeeyay hawlaha uu Mareykanka wado.

Shirka oo la filayo inuu goordhow furmo ayaa waxaa durbadiiba saameeyay khilaafka u dhaxeeya xubanaha ka tirsan gaashaanbuurta gaar ahaanna Faransiiska iyo Turkiga, waxaana cirka isku sii shareeraya doodda ka dhalatay qoondada ay bixiyaan waddama ka tirsan Nato.

 

Xigasho BBC Somalia

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories