HomeWararRasaas lagu furay Dad Banaanbax ka waday Buulo-burte iyo Khasaaro ka dhashay

Rasaas lagu furay Dad Banaanbax ka waday Buulo-burte iyo Khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Waxaa weli xaalad kacsanaan ah ay ka jirtaa Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, kadib markii saakay halkaas uu ka dhacay Banaanbax xoogan oo ay dhigeen shacabka ku dhaqan halkaas. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Buulo-burte ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen dadkii banaanbaxa dhigayay, kaasi oo ay uga soo horjeedan Safar Maanta […]

- Advertisement -

Waxaa weli xaalad kacsanaan ah ay ka jirtaa Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, kadib markii saakay halkaas uu ka dhacay Banaanbax xoogan oo ay dhigeen shacabka ku dhaqan halkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Buulo-burte ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen dadkii banaanbaxa dhigayay, kaasi oo ay uga soo horjeedan Safar Maanta lagu wado inuu halkaas ku gaaro Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in rasaasta ay fureen Ciidanka uu ku dhintay hal ruux oo shacab ah, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kaasi oo la dhigay Isbitaalka degmada.

Shacabka Buulo-burte ayaa ka soo horjeestay Maamul Cusub oo dhawaan Degmadaas u Magacaabay Wasiir Maxamed Cali Caadle, iyadona xalay uu magacaabay Duqa Cusub ee Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar kamid ah dadkii dhigaayay Banaanbaxa ay xireen Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka howlgalka AMISOM ee ku sugan Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Wafdi ka socda Maamulka Hirshabeelle oo uu hogaaminayo Wasiir Caadle ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay halkaas gaaran, iyaoona la sheegayo inuu weli socdo Banaanbax xoogan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories