HomeWararMuwaadin Soomaali ah oo Malta ku dilay Nin heystay dhalasho kale

Muwaadin Soomaali ah oo Malta ku dilay Nin heystay dhalasho kale

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Muwaadin Soomaali oo qaxooti ku ah Malta ayaa Nin u dhashay dalka Eritrea ku dilay Jesiiradda Malta Abaarihii 11:30 Fiidnimo ee habeenkii Jimcaha ee la soo dhaaafay.

Hadal-qoraal oo Booliska ka soo baxay maalintii Sabtida ee laa soo dhaafay ayey ku sheegeen in lagu soo wargeliyey in Ninkaasi lagu dilay Deegaanka TIRIQ DICEMBRU TLETTAX ee Xeradda Qaxootiga ee Furan ee Marsa ee dalkaasi.

Booliska waxay magaca Ninka Soomaaaliga ku sheegeen Keynaan C/Naasir oo 23-jir ah, kaasi oo loo haystay dilka Muwaadin u dhashay dalka Eriteria, oo la oran jirey Bakri Bashiirr oo 23-jir ahaa.

Eedeysanaha Soomaaliga waxaa la sheegay inuu dhowr jeer maqas kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka Marxumka, taasi oo sababtay inuu u geeriyoodo dhaawac Culus oo soo gaaray.

Dhinaca kale, Eedeysanaha waxaa la soo taagay Maxkamadda, wuxuuna beeniyey dembigii uu ku soo oogay Garsoorihii Maxkamadda oo lagu magacaabo  JOSETTE DEMICOL.

Qareenka u doodayey Eedeysanaha Kaynaan C/naasir waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuusan codsan doonin in Eedeysanaha damiin lagu sii daayo.

Saddex Alifle ka tirsan Dembi-baarista Boliska gacanta ku hayey Kiiskaasi oo lagu magacaabo Isbatoore James Grech waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuu Eedeysanaha horey u galay dembiyo kale, balse, haatan loo haysto dilka Nin u dhashay dalka Eriteria.

Boliska Malta waxaa baaritaanka Kiiskaasi gacan ka siiyey Nin u dhashay Suudaan, iyadoo ay Boliska u fududaatay inay gacanta ku soo dhigaan Kaynaan C/Naasir.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories