HomeWararDarawal Mooto Bajaaj oo Caawa lagu toogtay Muqdisho

Darawal Mooto Bajaaj oo Caawa lagu toogtay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Caawa qeybo kamid ah Degmada Hodan ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa. Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay agagaagrka Xaruntii Ex-kuliyadii Jaalle Siyaad ee ku taalla Degmada Hadan ee Gobolka Banaadir, isla markaana waxaa dilkaas Darawalka u geystay Askari […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Caawa qeybo kamid ah Degmada Hodan ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay agagaagrka Xaruntii Ex-kuliyadii Jaalle Siyaad ee ku taalla Degmada Hadan ee Gobolka Banaadir, isla markaana waxaa dilkaas Darawalka u geystay Askari ka tirsan oo ku sugnaa halkaas.

- Advertisement -

Goobjoogayaal la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in dilka loo geysay Darawalka inta uusan dhicin kahor ay wada murmeen Marxuumka iyo Askariga, hayeeshee markii dambe uu rasaas uga dhuftay qeybaha ee Jirka, isagoona goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale Askarigii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta isaga cararay, waxaana xiliga uu falka dhacayay halkaas ka Agdhawaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar qaar dilal loogu geystaa dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, iyadoona inta badan dilalkaas ay geystaan Askarta ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories