HomeWararWasiirka Cadaaladda Somalia oo faahfaahiyay Shir Caalami ah oo uu kaga qeyb...

Wasiirka Cadaaladda Somalia oo faahfaahiyay Shir Caalami ah oo uu kaga qeyb galay

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka warbixiyay shir caalami ah oo uu kaga qeyb galay magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Cadaaladda iyo Garsoorka dalalka caalamka ayaa waxaa diirada lagu saaray Arrimaha Cadaaladda iyo Garsoorka gaar ahaan ka hortaga faldanbiyeedka ka abuurma naceybka kaas oo keeni karo xasuuq iyo dilalka wadarta ah.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa shirka ka jeediyay khudbad taabaneysa horumarka Soomaaliya iyo dib u soo kabashada sida dhinacyada Amniga, Cadaaladda, Garsoorka, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

Wuxuuna u sheegay dhiggiisa Wasiirada Cadaaladda ee ka soo qeyb galay shirka iney xoogga saari doonaan ilaalinta xuquuqda adaanaha iyo ka hortaga fal dambiyeedyada culus.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku booriyay dalalka qeybta ka ahaa shirka iney shuruucdooda maxaliga ah oo ku dhisan dastuurka iyo heshiisyada caalamiga ay ogolaadaan iney haboon tahay in lagu dhaqmo si loo helo cadaalad waarto.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories