HomeWararSawirro:-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Sawirro:-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta xilka kala wareegay Dr.Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyihii hore, kaddib munaasabad lagu qabtay Muqdisho. Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska xeer Ilaalinta Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Wasiirka Cadaaladda, Taliye ku-xigeennada Booliska iyo Asluubta iyo marti sharaf kale. […]

- Advertisement -

Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta xilka kala wareegay Dr.Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyihii hore, kaddib munaasabad lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska xeer Ilaalinta Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Wasiirka Cadaaladda, Taliye ku-xigeennada Booliska iyo Asluubta iyo marti sharaf kale.

- Advertisement -

Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in muddo lix sano ah uu ka shaqeynayay xafiiska, maantana uu ku faraxsanyahay in uu xilka ku wareejiyo Garyaqaan Suleymaan oo uu ku sifeeyay in uu yahay shaqsi aqoon u leh howshan.

“Laakiin waxa aan ugu faraxsanahay waxa weeye xafiiska oo aan ku qanacsanahay meesha uu maanta taaganyahay iyo Qofka aan ku wareejinayo asagana aan ku qanacsanahay aqoontiisa, kartidiisa, aadaabtiisa, aqlaaqdiisa, Diintiisa inay is waafaqi karaanoo aan ka gam’i karo sidaas ayaan ugu faraxsanahay” ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir .

Dr Axmed Cali Daahir ayaa kula dar daarmay howlwadeenada xafiiska xeer Ilaalinta Qaranka inay si hufan oo daacad ah ula shaqeeyaan mas’uulka cusub, isagoo xafis ka dalbaday dhamaan howlwadeenanada xeer ilaalinta.

- Advertisement -

Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ugu horeyn loo dhaariyay xilka xafiiska, waxaana uu balan qaaday in qofkasta oo Soomaaliyeed uu ku qanci doono howsha xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.

“Waxaan rajeynayaa inaan gaarno in qofka Soomaaliga uu ku kalsoonaado shaqada loo qabanayo, daacadnimo iyo hufaan inay meeshan ka jirtana dadku ka marqaati kacaan, qofkii macaahiirtaa ka dhex baxa oo ku shaqeyn waaya, asna waxaan filaaya inuusan reerkeena ka mid ahaaneynin oo ka dhex bixi doona”.ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa xusay in uu xoogga saari doono sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta howlwadeenada xeer ilaalinta Qaranka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories