HomeWararSawirro:-Ciidamo badan oo ka tirsanaa Puntland oo ku biiray Somaliland

Sawirro:-Ciidamo badan oo ka tirsanaa Puntland oo ku biiray Somaliland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka aan ka heleyno Degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu soo Bandhigay Ciidamo badan oo la sheegay inay ka soo goosteen Puntland, iyagoona ku biiray dhanka Somaliland. Ciidamadan oo ku dhawaad gaarayay 150 Askari ah kana tirsanaa Maamulka Puntland ayaa ku biiray Somaliland, kuwaasi oo lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu soo Bandhigay Ciidamo badan oo la sheegay inay ka soo goosteen Puntland, iyagoona ku biiray dhanka Somaliland.

Ciidamadan oo ku dhawaad gaarayay 150 Askari ah kana tirsanaa Maamulka Puntland ayaa ku biiray Somaliland, kuwaasi oo lagu Munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Degmada Taleex ee Gobolka Sool.

- Advertisement -

Wasiirka Warfafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Munaasabadda lagu soo dhaweynayay Ciidanka ka hadlay ayaa waxaa uu sheegayaa in Somaliland ay kusoo biireen Ciidamo badan oo kasoo goostay Puntland, kuwaasi oo ka howlgeli jiray deegaanka God-qaboob ee Gobolka Sool.

Sidoo kale Wasiir Koore ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidankan ay wataan gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana wax kasto ay u baahan yihiin ay ka heli doonaan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Yuusuf Cali Koore ayaa isaga oo sii hadlaayay waxaa uu sheegay in Somaliland aysan duulaan ku ahayn Puntland, isla markaana ay ka shaqeyn doonin waxkasto oo sababi kara dhibaato ka dhex dhacda labada dhinac.

- Advertisement -

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland oo ay uga hadlayaan Ciidamadan ay soo Bandhigtay Somaliland, kuwaasi oo ay tilmaamtay inay kasoo goosteen Puntland, waxaana dhowr jeer oo horey jirtay in Ciidamo ka tirsanaa Puntland ay u wareegeen dhanka Somaliland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts