HomeWararSawirro:-Ciidamo badan oo ka tirsanaa Puntland oo ku biiray Somaliland

Sawirro:-Ciidamo badan oo ka tirsanaa Puntland oo ku biiray Somaliland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Wararka aan ka heleyno Degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu soo Bandhigay Ciidamo badan oo la sheegay inay ka soo goosteen Puntland, iyagoona ku biiray dhanka Somaliland.

Ciidamadan oo ku dhawaad gaarayay 150 Askari ah kana tirsanaa Maamulka Puntland ayaa ku biiray Somaliland, kuwaasi oo lagu Munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Wasiirka Warfafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Munaasabadda lagu soo dhaweynayay Ciidanka ka hadlay ayaa waxaa uu sheegayaa in Somaliland ay kusoo biireen Ciidamo badan oo kasoo goostay Puntland, kuwaasi oo ka howlgeli jiray deegaanka God-qaboob ee Gobolka Sool.

Sidoo kale Wasiir Koore ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidankan ay wataan gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana wax kasto ay u baahan yihiin ay ka heli doonaan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Yuusuf Cali Koore ayaa isaga oo sii hadlaayay waxaa uu sheegay in Somaliland aysan duulaan ku ahayn Puntland, isla markaana ay ka shaqeyn doonin waxkasto oo sababi kara dhibaato ka dhex dhacda labada dhinac.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland oo ay uga hadlayaan Ciidamadan ay soo Bandhigtay Somaliland, kuwaasi oo ay tilmaamtay inay kasoo goosteen Puntland, waxaana dhowr jeer oo horey jirtay in Ciidamo ka tirsanaa Puntland ay u wareegeen dhanka Somaliland.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories