HomeWararCiidanka Amniga Boosaaso oo Gacanta ku dhigay Hub iyo Gaadiid

Ciidanka Amniga Boosaaso oo Gacanta ku dhigay Hub iyo Gaadiid

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Bari ayaa xalay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen Magaalada Boosaaso, iyagoona kusoo qabtay hub sharci darro ah oo lagu dhex watay gudaha Magaalada.

Howlgalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Xaafado ku yaalla Bartamaha Boosaaso, waxaana intii uu socday lagu soo qabtay hub sharci darro ah iyo dadkii watay, kuwaasi oo lagu xiray xabsi ku yaalla halkaas.

Sidoo kale howlgalka ayaa waxaa barbar socday fiiqista Muraayadaha madow ee ku xiran gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee Isticmaalayay Waddooyinka ku yaalla Boosaaso oo horey looga mamnuucay deegaanada Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/S Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka laga saameeyay Boosaaso inta uu socday Ciidanka amniga ay gacanta kusoo dhigeen gaadiid ay Ciidamadan ku raadjoogeen, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay la raadinayay.

G/S Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu tilmaamay in kormeer ay ku tageen Saldhigyada Ciidamada Booliska ee ku yaalla Boosaaso, wuxuuna laamaha amniga Gobolka Bari uu kula dardaarmay inay xoojiyan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories