HomeWararBooliska Somalia oo Digniin soo saaray iyo Saldhigyada oo heegan la geliyay

Booliska Somalia oo Digniin soo saaray iyo Saldhigyada oo heegan la geliyay

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray Digniin ku aadan Roobab mahiigaan ah oo la filayaan in dhawaan ay ka da’aan Magaalada Muqdisho. War qoraal ah oo barteeda Facebook ay kusoo qortay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska  Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku sheegtay in dhamaan Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir iyo laanta Gurmadka Deg-deg […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray Digniin ku aadan Roobab mahiigaan ah oo la filayaan in dhawaan ay ka da’aan Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo barteeda Facebook ay kusoo qortay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska  Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku sheegtay in dhamaan Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir iyo laanta Gurmadka Deg-deg ah la geliyay heegsan buuxa.

- Advertisement -

Sidoo kale Zakiya ayaa sheegtay in  shacabka ku dhaqan Caasimadda loo diyaariyay gaadiidka Gurmadka Deg-deg ah iyo kuwa Dab demiska, iyadoo tilmaamtay in qof Kasta oo u baahda Gurmad in uu la xiriiro hay’addaha amniga dowladda.

“Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska. Hadaba muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka dag dag” ayay tiri Zakiya Xuseen.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed Ma sheegin halka ay ka soo xigatay xogta ku aadan Roobabka kusoo wajahan Magaalada Muqdisho.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories