HomeWararSawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Shir Muqdisho uga furay Boqolaal dhalinyaro ah

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Shir Muqdisho uga furay Boqolaal dhalinyaro ah

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo maanta daah furay shirweynaha qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mudnaan siinta dhalinyarada oo laf dhabar u ah horumarka bulshadda iyo ilaalinta qaranimada. Shir weynaha sedaxaad ee Dhallinyarada ee Ra’iiusl Wasaaruhu daah-furay oo ay kasoo qayb galeen boqollaal […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo maanta daah furay shirweynaha qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mudnaan siinta dhalinyarada oo laf dhabar u ah horumarka bulshadda iyo ilaalinta qaranimada.

Shir weynaha sedaxaad ee Dhallinyarada ee Ra’iiusl Wasaaruhu daah-furay oo ay kasoo qayb galeen boqollaal dhallinyaro ah, soconayana Deseembar 01-04, 2019, ayaa halkudhiggiisu yahay “Milkiilayaasha Dalku ma ogola musuq maasuq iyo xagjirnimo”, waxaana looga hadlayaa La dagaallanka musuq maasuqa, La dagaallanka waxa loogu yeero xagjirnimada iyo Ka qeyb galka dhallinyarada ee arrimaha Siyaasadda.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay dagaalka fikirka xagjirnimada maadaama argagaxisadu aysan ogoleyn horumarka dalka, ilaalinta qarannimada, isaga oo tusaale u soo qaatay in dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo uu sheegay in Al-shabaab  ay soo weerartay in ka badan 10 jeer waa sida uu hadalka u dhigay.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha ciidanka hoggaamisa ee u taagan ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale sheegay inta uu dalka musuq ka jiro aan Caddaaladi jiri karin, kala dambeyn iyo dowlad xoog leh, isagoo dhallinyarada ku dhiirri geliyay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo dowladnimada, qaybtoodana ay ka qaataan dagaalka lagula jiro musuqa, isagoo ugu dambeyn ugu baaqay Dhallinyarada in ay is-weydiin meesha hadda la joogaa, jihada loo socdo iyo waddada loo marayo si loo gaaro horumarka la hiigsanayo, Dhaxal reer fiicanna loo helo.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts