HomeWararMuwaadin Somali ah oo dhac ka geystay Sacuudiga oo gacanta lagu dhigay

Muwaadin Somali ah oo dhac ka geystay Sacuudiga oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ciidanka ammaanka Magaalada Jidah ee dalka Sacuudiga ayaa gacanta ku dhigay Muwaadin Soomaali ah oo fal dhac loo adeegsaday Tooreey ka geystay halkaas. Warbaahinta Sacuudiga ayaa qortay in Muwaadinka Soomaaliyeed uu dhac u geystay Nin u dhashay Hindiya, isla markaana uu ka qaatay lacag uu watay, taasi oo la sheegay inay dhameyd 1200 oo Riyaadka […]

- Advertisement -

Ciidanka ammaanka Magaalada Jidah ee dalka Sacuudiga ayaa gacanta ku dhigay Muwaadin Soomaali ah oo fal dhac loo adeegsaday Tooreey ka geystay halkaas.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa qortay in Muwaadinka Soomaaliyeed uu dhac u geystay Nin u dhashay Hindiya, isla markaana uu ka qaatay lacag uu watay, taasi oo la sheegay inay dhameyd 1200 oo Riyaadka Sacuudiga ah.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka amniga Magaalada Jidah uu ku wageliyay Ninkii dhaca loo geystay, isagoona u sheegay in falka dhacaha uu ka dambeeyay Muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo baxsaday.

Ciidanka ammaanka Magaalada Jidah ayaa tegay goobta uu lagu dhacay Ninkii Hindiga ahaa, iyagoona markii dambe howlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay Muwaadinka Soomaaliyeed ee dhaca geystay.

Sidoo kale Eedeysanaha oo magaciisa iyo da’diisa aan la shaacin ayaa waxaa la sheegay in loo gudbiyay Ciidanka dembi baarista ee Magaalada Jidah, iyagoona Maxkamad horgeyn doona Ninkaas

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories