HomeWararC/rashiid Xiddig oo Eedeeyn u jeediyay Madaxweyneyaashii hore ee Somalia

C/rashiid Xiddig oo Eedeeyn u jeediyay Madaxweyneyaashii hore ee Somalia

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ahan Hoggaamiyaha Golihii lagu dhawaaqay xiligii ay socdeen ololaha Doorashada Jubbaland ayaa ka hadlay arrimaha weli uga aadan Jubbaland. Isaga oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo Cabdirashiid Xiddig ayaa waxaa uu sheegay in Golaha Is bedel doonka Jubbaland weli uusan waxba iska is bedelin […]

- Advertisement -

Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ahan Hoggaamiyaha Golihii lagu dhawaaqay xiligii ay socdeen ololaha Doorashada Jubbaland ayaa ka hadlay arrimaha weli uga aadan Jubbaland.

Isaga oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo Cabdirashiid Xiddig ayaa waxaa uu sheegay in Golaha Is bedel doonka Jubbaland weli uusan waxba iska is bedelin mowqifkoodii ahaa in deegaanada Jubbaland ay ka dhacdo Doorasho xor ah iyo xalaal ah oo ay raali ka yihiin shacabka.

- Advertisement -

Sidoo kale Xildhibaan Xiddig ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin cid ay heshiis ama wadahadal ay kala galayaan in deegaanada Jubbaland ay ka dhacdo Dooasho, isla markaana wuxuu xusay in mowqifkooda ay weli ku taagan yihiin aysan jirina wax culeysan oo arrintaas kusoo kordhay.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ee Kismaayo uga qeyb galay Caleemo-saarkii Axmed Madoobe ayuu Cabdirashiid Xiddig sheegay inay haatan ka cabayaan faragelin lagu haayo Doorashada Galmudug, isagoona ku eedeeyay inay taageereen Cadaalad darro ka jirta Jubbaland.

Si kastaba hadalkan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kusoo aadayaa, kadib markii dhawaan la sheegay in heshiis hordhac ay gaareen Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar oo kamid ahaa xubnihii ka soo horjeeday dib u doorashadii Axmed Madoobe.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories