HomeWararXisbiga Wadajir oo sheegay in Ciidanka Itoobiya faragelin ay ku hayaan Galmudug

Xisbiga Wadajir oo sheegay in Ciidanka Itoobiya faragelin ay ku hayaan Galmudug

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

War-saxaafadeed kazoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa looga hadlay faragelin Ciidanka Itoobiya ay ku hayaan dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland gaar ahaan shacabka ku dhaqan Gobolka Gedo. Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyan ah oo ka tirsaneyn howlgalka AMISOM shalay ay gaareen Magaalaa Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, kuwaasi […]

- Advertisement -

War-saxaafadeed kazoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa looga hadlay faragelin Ciidanka Itoobiya ay ku hayaan dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland gaar ahaan shacabka ku dhaqan Gobolka Gedo.

Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyan ah oo ka tirsaneyn howlgalka AMISOM shalay ay gaareen Magaalaa Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, kuwaasi oo uu sheegay in dowladda ay ku dooneyso inay u adeegsato doorashada Galmudug.

- Advertisement -

Sidoo kale Warka kazoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Itoobiya ay doonayan inay sameeyan dhacdadii sanadkii hore ka dhacday Baydhabo xiligii ay soo dhaweyd Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiyd Axmed loogu baaqay inuu dib u eegis uu ku sameeyo siyaasadiisa ku aadan Soomaaliya, wuxuuna Xisbiga ka digay in Ciidanka Itoobiya loo adeegsado danno gaar ah oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.

 

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Warka kazoo baxay Xisbiga Wadjir.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories