HomeWararWasiir Warfaa iyo Madaxda Ururka Midowga Yurub oo wada-hadallo u socda

Wasiir Warfaa iyo Madaxda Ururka Midowga Yurub oo wada-hadallo u socda

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliye, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa halkaasi kula kulmaya mas’uuliyiin ka tirsan ururka Midowga Yurub. Wasiir Sadiiq, ayaa ugu horreynba la kulmay madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol. Kullanka waxaa si qoto dheer looga hadlay Shaqada, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliye, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa halkaasi kula kulmaya mas’uuliyiin ka tirsan ururka Midowga Yurub.

Wasiir Sadiiq, ayaa ugu horreynba la kulmay madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol. Kullanka waxaa si qoto dheer looga hadlay Shaqada, Xuquuqda Shaqaalaha, Daryeelka Bulshada iyo Dib-u-habeeynta Shaqaalaha Rayidka.

- Advertisement -

“Inta uu kullanka socday waxaan si aad ah u caddeeyay ajandahayaga ,waxaana codsaday in Midowga Yurub door taageerro ku yeesho dadaallada aan ku dooneyno dib u habeynta shaqaalaha iyo shaqo abuurka.” ayuu yiri wasiir Warfaa oo Midowga Yurub ku ammaanay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol – wuxuu muujiyay inta uu kullanka socday sida ururka ugu qanacsanyahay dadaallada socda ee dib u habeynta shaqaalaha iyo Daryeelka Bulshada, wuxuu markaa caddeeyay Midowga Yurub inuu garab taaganyahay qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta, fursadaha shaqadana ay ku helayaan ‘kuwa ugu muhiimsan’.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa dadaal ku bixinaya xal u helida shaqo la’aanta iyo daryeelka bulshada,waxaana muddada uu ku suganyahay Brussels uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta Belgium, Midowga Yurub iyo hay’adaha caalamiga ah oo arrimahaa uu kula hadlayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts