HomeWararDuqa Muqdisho oo dhagax dhigay Xarun 30-sanno kadib dib u dhis lagu...

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Xarun 30-sanno kadib dib u dhis lagu sameynayo

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Gaadiidka iyo Dhul-bixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo dib loo dhisayo. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in muddo 30 sano ah kaddib dib loo dhisayo Xaruntan, iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay xarummo ku mel gaar ah ku shaqeynaayeen Laanta Gaadiidka iyo Dhulbixinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Gaadiidka iyo Dhul-bixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo dib loo dhisayo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in muddo 30 sano ah kaddib dib loo dhisayo Xaruntan, iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay xarummo ku mel gaar ah ku shaqeynaayeen Laanta Gaadiidka iyo Dhulbixinta ee Dowladda Hoose.

- Advertisement -

“Muddadii la soo dhaafay, waxaan xoogga saareynay in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, kuwaas oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan bulshada Caasimadda oo si wadajir ah ugu istaagay dib u dhiska dalka iyo ka qeyb qaadashada barnaamijyada isxilqaan ee socda.”

Duqa Muqdisho, waxuu tilmaamay in xilligan Gacanta lagu hayo dhismooyin Waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo.

Sidoo kale, Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhiska xarunta ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee sanadkan oo lagu soo celinayo xarummo dowladood, goobo nasasho iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo muhiim u ah horumarka Caasimadda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts