HomeWararSawirro:- Shirkii dowladaha Africa iyo Talyaaniga oo lagu soo gaba gabeeyay Magaalada...

Sawirro:- Shirkii dowladaha Africa iyo Talyaaniga oo lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Milano

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Shirkii u dhexeeyay Dowladaha Afrika iyo Talyaaniga oo ay Soomaaliyan kujirto ayaa maanta lagu soo geba gebeeyay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga,iyadoo Soomaaliya uu u matalayay wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan halkaasi. Mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday shirkan oo loogu magac daray […]

- Advertisement -

Shirkii u dhexeeyay Dowladaha Afrika iyo Talyaaniga oo ay Soomaaliyan kujirto ayaa maanta lagu soo geba gebeeyay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga,iyadoo Soomaaliya uu u matalayay wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan halkaasi.

Mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday shirkan oo loogu magac daray (Afrika & Italt Business Week) ayaa diiradda lagu saarayay sidii wadamada Talyaaniga iyo Afrika ay isaga kaashan lahaayeen ganacsiga Dalxiiska Soomaaliyana ay kujirto.

- Advertisement -

Sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay agaasimaha waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane C/risaaq Cabdi Cabdullaahi oo kamid ah wafdiga wasiir Maareeye uu hoggaaminayo ee shirkaasi ka qeybgalay.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) iyo wafdigiisa ayaa shirkaasi ku soo bandhigay fursadaha dhanka ganacsiga Dalxiiska ee kajira Soomaaliya,maadaama dalka uu haatan ka soo kabanayo burburkii,islamarkaana uu cagta saaray dhabihii horumarka.

Sidoo kale waxaa wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu kulamo gooni gooni ah uu la yeeshey qaar kamid ah madaxdii ka qeybgashey shirkaasi,waxaana kamid ahayd wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee Talyaaniga (Emanuela Claudia Del Re ) oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal iyo in dowladda Talyaanigu ay taageerto qorshayaal lagu horumarinayo warbaahinta dalka.

- Advertisement -

Khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirkaasi ayuu wasiirku ku ammaanay dowladda Talyaaniga sida ay dhabarka ugu ridatay martigelinta muhaajiriinta Afrikaanka ah,kuwaasi oo dalkaasi galaya,iyagoo ka gudbaya badda Mediterraneanka ee isku xirta dalalka Afrika iyo Qaaradda Yurub.

Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid ah wadamada galaangalka ku leh taageerada Soomaaliya,waxaana jira xiriir soo jireen ah oo ka dhexeeya labada dowladood,taasi oo fursad u siinaysa Soomaaliya in ay ka faa’ideysankarto barnaamijyadan horumarinta ganacsiga Dalxiiska.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories