HomeWararSawirro:- Maamulka Puntland oo lagu wareejiyay Doomo casri ah

Sawirro:- Maamulka Puntland oo lagu wareejiyay Doomo casri ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Hay’adda cunnada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO), ayaa 12 Doomo kalluumeysi ah oo ay saaran yihiin Matoorro casri ku wareejisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Dowlad Gobaleedka Puntland, si loo soo nooleeyo shaqada iskaashatooyinka kalluumeysiga ee ka howl gala Xeebaha Puntiland

Maamulaha mashruuca CCAP ee Xafiiska FAO  Soomaaliya, John Purvis, ayaa munaasabaddii ay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland kula wareegtay Doomaha ka hadlay ayaa sheegay in Gaadiidkani uu fursad shaqo oo muhiim ah siinayo Dhallinyaradaha Soomaaliyeed.

“Doomahaan waa caawimaad kale oo ka timid mashruuca CCAP ee ay maal geliso midawga Yurub kaas oo ka shaqeeya horumarinta qeybta Kalluumeysiga  ee isku xirta fursadaha dahabiga ah ee ka jira Xeebaha Soomaaliya,sidoo kalana dhallinyarada Xeebaha fursado shaqo oo muhiim ah ka siiya xeyndaabka kalluumeysiga qiimaha leh,” ayuu yiri, John Purvis.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyaadka Badda ee Puntland Cabdiqani Geelle Maxamed, ayaa sheegay in uu maamulkiisu ka go’an yahay in uu xaqiijiyo in Doomaha la guddoonsiiyay ay ka qeyb qaataan soo saaridda dakhliga iyo fursad siinta Dhallinyarada, isagoo hay’adda FAO iyo midowga Yurub ugu mahad celiyay taageeradooda joogtada ah ee lagu horumarinayo Kalluumeysiga Puntland.

Mashruucan ayaa waxaa ka faa’iideysanaya 1, 000 Qofood, iyada oo hay’adda FAO sare u qaadayso, dhismaha awoodda hannaaka kalluumeysi, isla markaana bixinaysa tababarro lagu xoojinayo xirfadaha ballaaran ee looga baahanyahay Kalluumeysiga Dalka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories