HomeWararKenya oo sheegtay in ay dhaqan gelisay heshiiskii Madaxweyne Farmaajo iyo...

Kenya oo sheegtay in ay dhaqan gelisay heshiiskii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

War qoraal ah oo ka soo baxay  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa looga hadlay wixii ka dhaqan galay heshiiskii ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka oo la soo gaarsiiyey Safaaradda Kenya ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Kenya dhaqan gelisay dhamaan qodobadii ku qornaa heshiiskii ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib wadahadal labada madaxweyne ku dhex maray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa cadeysay in heshiiska oo ay ka mid ahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi uu gabi ahaanba dhinaca Kenya ka dhaqangalay maadaama culaysyo ay ka jireen duulimaadyada oo markii hore mari jiray magaalada Wajeer oo cabasho badan ay ka timid.

Waxaa kale oo ka mid ahaa heshiiska  in diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada baarlamaanka  in ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Ugu dambeyntii Kenya ayaa sheegtay in ay ka rajaynayso dhinaca Soomaaliya in ay dhaqabgeliso heshiiska,in kasta oo dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay in uu bilowday duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories