HomeWararGolaha Wasiirrada Xukuumadda oo Maanta Ansixiyay Sharci muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo Maanta Ansixiyay Sharci muhiim ah

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda Post-da, isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda. Istaraatiijiyadda iyo siyaasadda Qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo loo dejiyay shanta sano ee soo socota (2020-2024), ayaa loo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda Post-da, isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.

Istaraatiijiyadda iyo siyaasadda Qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo loo dejiyay shanta sano ee soo socota (2020-2024), ayaa loo qorsheeyay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka oo ay wadaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan oo isugu jira dawladda, shirkadaha, hay’adaha ka shaqeeya horumarinta iyo cid kasta oo ay khuseyso.

- Advertisement -

Shirka golaha guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu ansixiyay dib ugu biiritaanka Soomaaliya ee ururka la dagaallanka Ayaxa ee waddamada Bariga Afrika.

Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo taabaneysa dhinacyada kala duwan ee lagu horumarin karo teknolojiyada, sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, ganacsiga iyo adeegyada kale ee dawladda, ayaa fulinteeda waxaa ka qeyb gelaya wasaaradaha ay khuseyso ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts