HomeWararGolaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay Xiisad ka taagan Sanaag

Golaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay Xiisad ka taagan Sanaag

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga Guud ee Puntland, Wuxuu Goluhu Baaq Nabadeed u diray xaaladda colaadeed ee ka jirta deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag iyadoo Goluhu uu uga digey cidkastoo hurinta ka qeyb qaadanaysa in ay ka waantowdo.

Goluhu wuxuu warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada oo ka warbixisay waxqabad la xiriira guulaha laga gaaray joojinta xaalufka deegaanka, iyo Guddiga kala-xadeynta Shaqooyinka Hayáddaha iyo Wasaaraddaha oo iyana Golaha usoo gudbiyey qorsheyaasha shaqo ee ay dejisteen iyo siday u kala horeeyaan.

Arrimaha kala ee laga hadlay waxaa ka mid ah saameyntii roobabakii ka da’ay gobolada Gardafuu, Sanaag iyo Cayn iyo halka uu marayo gurmadka loo fidinayo goboladaasi.

Ugu danbeyn Goluhu wuxuu soo jeediyay in Guddiyada Xukuumadda ee ka kooban Afarta Guddi ay Baarlamaanka uga warbixiyaan waxqabadkii xukuumadda ee 9kii bilood ee u danbeeyay, taasi oo qeyb ka ah wadashaqeynta Goleyaasha iyo in Shacabka lala wadaago waxqabadka xukuumadda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories