HomeWararWasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug. Safarka Wasiir Sabriye ee dhuusamareeb ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay xubno katirsan dowladda oo ku sugan halkaas. Ujeedka Dhuusamareeb u tegay Wasiir […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.

Safarka Wasiir Sabriye ee dhuusamareeb ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay xubno katirsan dowladda oo ku sugan halkaas.

- Advertisement -

Ujeedka Dhuusamareeb u tegay Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxaa tahay sidii uu ula socon lahaa uuna Goobjoog uga noqon ahaa Arrimaha Doorashada Galmudug oo dhici doonta Bisha soo socota, isla markaana uu Guddiga ula shaqeyn lahaa howlaha Doorashada.

Guddiga Doorashada  ayaa dhawaan shaaciyay in soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Galmudug ay bilaaban doonto 29-ka Bishan oo ku beegan Jimcaha soo socda, waxaana soo xulista  Xildhibaanada ay ku egtay 9-ka Bisha soo socota ee December 2019.

Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalihii la soo dhaafay waxaa kulan uga socday Hoggaanka Ahlusunna Waljameeca, iyagoona ka arrinsanayay Arrimaha Doorashada Galmudug.

- Advertisement -

Weli ma jiro wax xal ah oo laga gaaray Khilaafka u dhexeeya Hoggaanka Ahlusunna iyo dowladda Federaalka, kaasi oo ku aadan fulinta heshiis ay horey uga wadeen labada dhinac, kaasi oo ahaa in Baarlamaanka Cusub ee Galmudug Ahlusunna laga siiyo 35 Xildhibaan.

Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa culeys kala kulmeysa xiligaan Ahlusunna oo ku aadan dhinaca Doorashada Galmudug, iyadoo aysan weli xal rasmi ah oo laga gaaray Cabashada Ahlusunna ay ka qabto arrimaha Doorashada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories