HomeWararSawirro:-Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Degmada Afgooye iyo deegaano kale

Sawirro:-Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Degmada Afgooye iyo deegaano kale

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaano hoostaga ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii la soo dhaafay fatahaad uu ku sameeyay Wabiga Shabeelle.

Xaafadaha ka tirsan Degmada Afgooye ee ku fatahay Wabiga waxaa kamid ah Baan-guri iyo damaley, isla markaana waxaa biyaha Wabiga uu saameeyay dad u badan Beeraleey.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali  Najax oo kormeer ku tegay goobaha uu ku fatahay Wabiga ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan dadaalo lagu xirayo biyaha Wabiga Shabeelle ee kusoo fatahay Afgooye.

Sidoo  kale Guddoomiye Najax ayaa waxaa  uu u tilmaamay inay xireen ilaa 4 meel oo biyaha Wabiga ay soo jabsadeen, isla markaana uu weli socdo gurmad xoogan.

Waxaa kaloo Guddoomiye Najax ugu baaqay Guddiga Gurmadka dowladda Federaalka iyo kan Koonfur Galbeed inay ka qeyb qaatan gurmadka loo saameynayo dadka uu Shabeellaha Hoose ku saameeyay fatahaada Wabiga.

Si kastaba saacadihii la soo dhaafay Gobolada ayaa waxaa siweyn uga da’ay roobka deyrta, waxaana deegaano badan uu dhigay biyo, iyadoona dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories