HomeWararFaah faahin:-Is rasaaseyn Caawa ka dhacday Degmada Warsheekh

Faah faahin:-Is rasaaseyn Caawa ka dhacday Degmada Warsheekh

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Wararka aan ka heleyno Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Caawa ay ka dhacday Is rasaaseyn kooban. Is rasaaseyntan ayaa waxaa la sheegay inay dhexmartay Askari ka tirsan Ciidanka Maamulka Warsheekh iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Cadale Yaasiin Geedi oo gelinkii dambe ee Maanta gaaray halkaas. Dad goobjoogayaal ah oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Caawa ay ka dhacday Is rasaaseyn kooban.

Is rasaaseyntan ayaa waxaa la sheegay inay dhexmartay Askari ka tirsan Ciidanka Maamulka Warsheekh iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Cadale Yaasiin Geedi oo gelinkii dambe ee Maanta gaaray halkaas.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in Is rasaaseynta ay timid, kadib markii Askariga iyo Guddoomiye ku-xigeenka uu muran soo kala dhexgalay, sidaasina uu falka u dhacay.

Sidoo kale Yaasiin Geedi iyo Askariga dagaalamay ayaa waxaa labadooda soo gaaray dhaawac, kuwaasi oo loo soo qaaday dhanka Muqdisho, isla markaana waxaa la dhigay mid kamid Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamo ilaalo u ahaa Guddoomiye Yaasiin Geedi ay rideen qori Baasuuke ah oo ku xirnaa gaari nooca dagaalka, iyagoo u riday dhinaca Badda, waxaana Jugta qorigaas laga maqlay inta badan Xaafadaha Warsheekh, mana jiro wax Khasaaro uu geystay.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay uga hadlayaan Is rasaaseyntii Caawa ka dhacday halkaas.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts