HomeWararDowladda Somalia oo ka qeyb gashay Shir-weyne muhiim ah oo ka socda...

Dowladda Somalia oo ka qeyb gashay Shir-weyne muhiim ah oo ka socda Geneva

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO, kaa oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wasiir Warfaa ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray dadaallada ay […]

- Advertisement -

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO, kaa oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiir Warfaa ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray dadaallada ay dowladda Federaalka ah ku dooneyso in si isku mid ah loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed barnaamijka Daryeelka bulshada oo waara.

- Advertisement -

“Iyadoo aanu taageero ka helayo bah-wadagteenna horumarinta, waxaan bilownay qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta ee aad muhiimka u ah si aan u hirgalinno Nidaam daryeelka Bulshada – oo waafaqsan Xeerka Daryeelka Bulshada ee Qaranka…Marka laga hadlayo awoodda maaliyadeed, waxaan ku faraxsanahay in bishii Luulyo 2019-ka -Guddiga fulinta ee hay’adda lacagta adduunku (IMF)  ay kulmeen si ay u soo gabagabeeyaan la tashiga qodobka 4aad ee ku saabsan Soomaaliya. Waxay ku heshiiyeen in siyaasadaha dhaqaalaha iyo qaabdhismeedkeeda ee hoosta looga qeexay SMP- afaraad – ay buuxiyeen heerarka siyaasadaha ee la xiriira qorsheynta deynta sare. ”

” Xafiiska Ra’iisul wasaaraha (tubtiisa Horumarinta Bulshada iyo Horumarinta Dhaqaalaha) ayaa horey u muujiyay in maalgashiga waaxaha bulshada, gaar ahaan daryeelka bulshada iyo biyuhu ay heli doonaan qoondeyn miisaaniyadeed oo ballaaran ka dib deyn cafinta.” ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wuxuu rajo wanagsan ka muujiyay dadaallada socda ee deyn cafinta ee guulaha laga gaaray inay dhammeystirmaan , taas oo uu sheegay inay horseedeyso horumar dhaqaale iyo isku filnaasho uu dalku gaaro.

- Advertisement -

“Iyadoo la tixraacayo Siyaasaddeena Daryeelka Bulshada ee Qaranka, Dowladda Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an inay horumariso hannaan Daryeelka bulsho ee waara – waxaanuna  ka faa’iideysan doonaa dhammaan kheyraadkayaga oo aanu  u adeegsan doono sidii loo hubin lahaa in la gaaro Mabda’a ‘Cidna inaan laga tagin’ iyadoo looga faa’iideynayo inta nugul marka hore.” ayuu ku daray.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirro, wakiillo iyo hoggaamiyaasha ururro caalami ah,iyadoo Soomaaliya ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories