HomeWararXoghayihii Joogtada ee Wasaaradda A/Gudaha oo xilkii wareejiyay kadib Go’aan soo baxay

Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda A/Gudaha oo xilkii wareejiyay kadib Go’aan soo baxay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta xilkii Xoghayanimo wareejiyay, kadib markii golaha Wasiiradu ay baabi’iyeen booska Xoyghayaha joogtada ee Wasaaradaha Xukuumadda laguna qaatay nidaamka Agaasimayaasha guud. Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda arrimaha gudaha, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xasan (Azhari) oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa […]

- Advertisement -

Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta xilkii Xoghayanimo wareejiyay, kadib markii golaha Wasiiradu ay baabi’iyeen booska Xoyghayaha joogtada ee Wasaaradaha Xukuumadda laguna qaatay nidaamka Agaasimayaasha guud.

Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda arrimaha gudaha, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xasan (Azhari) oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa u mahadceliyay Shaqaalaha Wasaaradda,isagoo sheegay in ay kaalin weyn kaga jiraan howlaha ay bulshada u heyso Wasaaradu.

- Advertisement -

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu xilkaan wareejiyo,isagoo tilmaamay mudadii labada sanno eheed oo uu xilka hayay inuu wax badan soo qabtay, waline ay shaqa badan dhimantahay.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa goobjoog ka ahaa shaqaalaha Wasaaradda, Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories