HomeWararGolaha Ammaanka ee QM oo War kasoo saaray Xaaladda Somalia

Golaha Ammaanka ee QM oo War kasoo saaray Xaaladda Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa todobaadkii la soo dhaafay warbixin Golaha Ammaanka QM ka siiyay Xaaladda Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay ballanqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) ka geysatay Madasha Iskaashiga Soomaaliya 2dii Oktoobar ee sannadkan, kaasi oo ahaa in la qaato sharciga doorashada illaa Diseembar 2019.

Sidoo kale Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in hadii la qabto Doorasho qof iyo Cod ah oo ku dhacda si nabad ah, oo hufan ay noqon doonto tallaabo taariikhi ah oo la qaaday, isla markaana dib-u-dhiska iyo horumarka Soomaaliya gacan ka geysaneysa.

Golaha Ammaanka ayaa waxaa ay carrabka ku adkeeyeen in geeddi-socodka doorashada ay tahay inuu noqdo mid loo dhan yahay, kaasoo oggolaanaya ka-qaybgal dhammaan deegaanada Gobollada dalka  oo dhan, waaa inay ka qeyb qaatan haweenka oo Xildhibaanada Baarlamaanka dalka laga siiyo ugu yaraan 30% qoonde ah

“Golaha Ammaanka QM waxay soo dhoweeyeen doorka Guddiga Madaxa Banaan ee  Doorashooyinka  Qaranka ee u diyaar garowga doorashada waxayna ku celiyeen baahida loo qabo in Gudiga ay la kulmaan oo ay dejiyaan qorshe sida ugu dhaqsaha badan ee abuuritaanka nabadgelyo iyo xasilooni” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Golaha Ammaan”

“Xubnaha Golaha waxay soo dhoweeyeen dadaalka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) dadaalka ay ugu jiraan taageerida diyaarinta doorashada tooska ah iyadoo la waafajinayo waajibaadkeeda, ku biirinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) diyaarinta amniga, doorka muhiimka ah. ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo taageerada ay siiyaan UNSOM, AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, iyo taageerada ay siiso bulshada caalamka” ayaa la sii raacsiiyay Qoraalka ay soo saareen Golaha Ammaanka ee QM.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories