HomeWararWasiir Maareeye iyo wafdi uu horkacyo oo u dhoofay Talyaaniga iyo Ujeedkooda

Wasiir Maareeye iyo wafdi uu horkacyo oo u dhoofay Talyaaniga iyo Ujeedkooda

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” ayaa maanta u ambabaxay dalka Talyaaniga. Wasiirka iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga kaga qeyb galaya shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska, kaasi oo mudo labo maalin ah socon doona. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa […]

- Advertisement -

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” ayaa maanta u ambabaxay dalka Talyaaniga.

Wasiirka iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga kaga qeyb galaya shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska, kaasi oo mudo labo maalin ah socon doona.

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo ku saleysan dhaqan dhaqaale iyo xiriir saaxiibtnimo oo qoto dheer.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories