HomeWararSawirro:-Guri ku yaalla Xaafad ka tirsan Muqdisho oo soo Dumay

Sawirro:-Guri ku yaalla Xaafad ka tirsan Muqdisho oo soo Dumay

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa ka da’ay Roob Xoogan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Roobka ayaa biyo badan dhigay qaar kamid ah Waddooyinka waaweyn ee ku yaalla Muqdisho, kuwaasi oo xirmay, isla markaana ay ku adeg tahay inay maraan gaadiidka kala duwan.

Sidoo kale Roobka ayaa intii uu socday waxaa soo dumay Guri ku yaallay waaxda Yuusuf Alkowneen ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay Khasaaro.

Waaxda gurmadka deg-dega ah ee dowladda Hoose Xamar ayaa gaaray goobta uu ku yaallay Guriga soo dumay, isla markaana kasoo saaray laba ruux oo dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo deganaa dhismaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa goobjoog ka ahaa xiliga lagu mashquulsanaa badbaadinta dadka danta yar ee uu dhismaha kusoo dumay.

Dhinaca kale Roobabka ayaa saameyn adag ku yeeshay Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan heysan hoy wanaagsan oo ay dhibicda roobka ka galaan.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray kuleyl daran, hayeeshee Jawiga Muqdisho ayaa Caawa ah mid qabow.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories