HomeWararAhlusunna oo sheegtay in aan weli la fulin heshiiskii ay la galeen...

Ahlusunna oo sheegtay in aan weli la fulin heshiiskii ay la galeen Dowladda

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Iyadoo weli aan xal buuxa laga gaarin dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug oo haatan qorshihiisu wado dowladda Federaalka ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay kulamo u dhexeeyay Hoggaanka Ahlusunna iyo  Ergo ka socotay dowladda. Xildhibaan Shaacir oo ka tirsanaa Xildhibaanadii Baarlamaanka Galmudug ee waqtiga xilheyntoodu dhamaaday kana soo galay dhanka Ahlusunna oo warbaahinta la hadlay ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo weli aan xal buuxa laga gaarin dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug oo haatan qorshihiisu wado dowladda Federaalka ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay kulamo u dhexeeyay Hoggaanka Ahlusunna iyo  Ergo ka socotay dowladda.

Xildhibaan Shaacir oo ka tirsanaa Xildhibaanadii Baarlamaanka Galmudug ee waqtiga xilheyntoodu dhamaaday kana soo galay dhanka Ahlusunna oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ahlusunna ay dooneyso in la fuliyo heshiiskii ay la gashay dowladda Federaalka, kaasi oo ahaa in Baarlamaanka Cusub ee Galmudug laga siiyo 35 Xildhibaan.

- Advertisement -

Sidoo kale Xildhibaan Shaacir ayaa waxaa uu tilmaamay in weli uusan Go’in xiriirkii u dhexeeyay Ahlusunna iyo dowladda, isla markaana waxaa uu xusay in dowladda Federaalka ay taageersan yihiin, wuxuuna ugu baaqay in la fuliyo heshiiskii la wada galay.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in aysan jirin cid aan Ahlusunna aheyn oo Ciidan iyo hub ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in heshiiskii ay la galeen dowladda uusan kaliya aheyn wax ku Kooban Warqad.

Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa kulan ku yeeshay Ergo ka socotay dowladda iyo Ahlusunna, iyagoona ka wada hadlay dhismaha Galmudug, waxaana Ahlusunna ay u sheegeen in la fuliyo heshiiskii ahaa in 35 Xildhibaan laga siinayo Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts