HomeWararMunaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameynayo Sheekh Umal

Munaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameynayo Sheekh Umal

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Royal Palace ayaa Goordhow waxaa ka bilaaban doonta Munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeynayo Sheekh Maxamed Cabdi Uma loo dhawaan soo gaaray Muqdisho.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Wasiiro kamid ah Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Culimo, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Marti sharaf kale oo lagu Casuumay.

Sidoo kale inta ay socoto Munaasabadda lagu soo dhaweeynayo Maxamed Cabdi Uma l ayaa waxaa halkaas Khudbado kala duwan ka jeedin doona Madaxda ka qeyb galeysa Xaflada iyo Sheekh Umal.

Munaasabadan ka dhaceysa Muqdisho ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Maanta lagu waday inuu Sheekh Umal Muxaadaro uu ku qabtay Garoonka Injineer Yariisow, hayeeshee waa la baajiyay, kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday arrintaas.

Sababta ugu weyn ee loo joojiyay Muxaadaradii Sheekh Umal ayaa waxaa ay tahay, kadib markii ay siweyn uga soo horjeesteen Culimada Ahlusunna ee Gobolka Banaadir, iyagoona sheegay in hadii muxaadarada la joojin waayo Magaalada ay ka dhigi doonaan banaanbaxyo, iyadoona ugu dambeyntii dowladda joojisay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories