HomeWararMid kamid ah Dalalka ugu saboolsan Caalamka oo ka dhaceysa Doorasho

Mid kamid ah Dalalka ugu saboolsan Caalamka oo ka dhaceysa Doorasho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Dalka Guinea-Bissau ayaa maanta dadweynuhu u dareereen goobaha codbxinta si ay u soo doortaan madaxweyne cusub. Madaxweyne Jose Mario Vaz ayaa ka mid ah 12 musharax oo u tartamaya iney hogaamiyaan dalkan ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika. Vaz ayaa ah madaxweynihii u horreeyey ee si dimuqraadi ah loo doorto ee dhameysta muddo xileedkiisa taariikhda dalkaaasi. […]

- Advertisement -

Dalka Guinea-Bissau ayaa maanta dadweynuhu u dareereen goobaha codbxinta si ay u soo doortaan madaxweyne cusub.

Madaxweyne Jose Mario Vaz ayaa ka mid ah 12 musharax oo u tartamaya iney hogaamiyaan dalkan ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika. Vaz ayaa ah madaxweynihii u horreeyey ee si dimuqraadi ah loo doorto ee dhameysta muddo xileedkiisa taariikhda dalkaaasi.

- Advertisement -

Waxa uu u ordayaa in dib loo doorto markale. Hase ahaatee waxa uu wajahayaa tartan adag oo kaga imanaya Carlos Gomes Junior iyo Domingos Simoes Pereira oo labaduba hore dalkaasi uga soo noqday ra’isulwasaareyaal.

Haddii aanu musharaxna ku guuleysan in kabadan 50%, waxaa la aadi doonaa doorasho kale oo la qabanayo bisha danbe.

Guinea-Bissau ayaa muddaba waxaa la degay xasilloni-darro siyaasadeed, saboolnimo, musuq maasuq, iyo dhoofinta iyo ka ganacsiga daroogada.

- Advertisement -

Madaxweyne Vaz ayaa 2015-kii shaqada ka eryey ra’isulwasaarihiisii Pereira, taasi oo dhalisay isqabqabsi siyaasadeed oo u dhexeeya isaga iyo xisbiga talada haya ee PAIGC.

Baarlamaanka dalkaasi ayaa lagu waramayaa inuusan muddo sanado meelmarin wax sharciyo ah.

Wakaaladda wararka AFP ayaa ku warameysa in 1.8-da milyan ee qof ee dalkaasi ku nool ay la tacaalayaan “saamileyda siyaasadda ee boobaya dhaqaalaha waddanka.”

Guniea-Bissau oo uu Bortaqiisku soo gumeystay ayaa ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories