HomeCaalamkaKooxo hubeysan oo laayay Askar badan oo ku sugneyd Saldhig Ciidan

Kooxo hubeysan oo laayay Askar badan oo ku sugneyd Saldhig Ciidan

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ugu yaraan sideed askari oo u dhashay dalka Burundi ayaa lagu dilay weerar xilli habeen ah lagula beegsaday kayme u dhow xuduudda dalka Rwanda, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas. Tobaneeyo askari oo kale ayaa lagu la’yahay weerarkan oo ah mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee asiiba ciidamada Burundi, sida ay sheegeen […]

- Advertisement -

Ugu yaraan sideed askari oo u dhashay dalka Burundi ayaa lagu dilay weerar xilli habeen ah lagula beegsaday kayme u dhow xuduudda dalka Rwanda, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas.

Tobaneeyo askari oo kale ayaa lagu la’yahay weerarkan oo ah mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee asiiba ciidamada Burundi, sida ay sheegeen saraakiil militari.

- Advertisement -

“Koox ku hubeysan qoryo oo ka yimid Rwanda ayaa soo weeraray saldhigga ciidamada Burundi ee Mount Twinyoni,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Major Emmanuel Gahongano, oo ka hadlay taleefishinka dowladda.

“Kooxdan hubaysan waxay u baxsadeen Rwanda.” Ayuu sii raaciyey.

Burundi ayaa ku dhex jirtay xasarad tan iyo markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu jebiyey dastuurka, si uu xafiiska u fariisto markii saddexaad, isaga oo dib u doorasho ku guuleystay 2015-kii.

- Advertisement -

Burundi ayaa marar badan ku eedeysay dalka ay deriska yihiin ee Rwanda inuu taageero koox mucaarad ah oo dalkaas ka jirta, eedeymahaas oo Kigali ay beenisay.

Weerarka ayaa saacadihii hore ee axaddii ka dhacay kayme 100km u jira magaalada caasimada ah ee Bujumbura, islamarkaana 10 km ka baxsan xuduudda Rwanda.

Illaa iyo hadda ma jirto koox ka mid ah kooxaha hubeysan ee Burundi oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories