HomeCaalamkaKhasaaro ka dhashay Israel oo markale Duqeyn ka fulisay Gaza

Khasaaro ka dhashay Israel oo markale Duqeyn ka fulisay Gaza

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ciidamada Israel ayaa mar kale maanta duqeymo ka fuliyey magaalada Gaza, halka dagaal-yahanada Falastiin ay gantaalo ku qufeen Israel. Saraakiisha caafimaadka Falastiin iyo kooxda Islamic Jihad ayaa sheegay in duqeymaha ay ku dhinteen laba qof, taasi oo tirada dhimashada guud ka dhigeysa 12, tan iyo markii rabshadaha ay billowdeen Talaadadii. Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay […]

- Advertisement -

Ciidamada Israel ayaa mar kale maanta duqeymo ka fuliyey magaalada Gaza, halka dagaal-yahanada Falastiin ay gantaalo ku qufeen Israel.

Saraakiisha caafimaadka Falastiin iyo kooxda Islamic Jihad ayaa sheegay in duqeymaha ay ku dhinteen laba qof, taasi oo tirada dhimashada guud ka dhigeysa 12, tan iyo markii rabshadaha ay billowdeen Talaadadii.

- Advertisement -

Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay in dagaal-yahanada Falastiin ay kusoo rideen in ka badan 200 oo gantaal.

Illaa hadda lama sheegin cid ku geeriyootay gantaallada, inkasta oo ay sababeen burbur xooggan.

Gantaallada ayaa bilowday ayada oo looga jawaabayo duqeyn ka dhacday Gaza, oo ay Israel ku dishay taliye ka tirsanaa kooxda Islamic Jihad.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Bahaa Abu el-Atta “uu mas’uul ka ahaa weeraro badan oo argagixiso iyo gantaallo lagu soo tuuray Israel bilihii dhowaa, islamarkaana uu damacsanaa inuu fuliyo weeraro kale.”

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories