HomeCaalamkaMadaxweyne Erdogan oo ku hanjabay inuu ka baxayo wada-hadallada Yurub

Madaxweyne Erdogan oo ku hanjabay inuu ka baxayo wada-hadallada Yurub

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in go’aanka Midowga Yurub ay Tukrey cunaqabateyn ugu saareen sababo la xiriira saliidda ay ka qodeyso xeebta Qubrus uu arbushi karo wada-hadalladii u socday labada dhinac.

Erdogan ayaa sidoo kale ka digay in Turkey ay Yurub u diri doonto dagaal-yahanada Daacish ee ay qabatay.

- Advertisement -

Wasiirada arrimaha dibedda Midowga Yurub ayaa Isniintii isku raacay cunaqabateyn dhaqaale oo la saarayo Ankara, sababo la xiriira “inay ku xadgudubtay” aagga dhaqaalaha badda Qubrus, oo ay saliid ka qodeyso.

Turkey oo si rasmi ah u sharaxan inay ku biirto Midowga Yurub, inkasta oo xiriirka labada dhinac uu xun yahay, ayaa cambaareysay go’aankaas, waxaana ay sheegtay inaysan joojin doonin saliida ay qodeyso jasiiraddan u kala qeybsan labada, sababtoo ah waxay saliida ka qodeysaa qeybta Turkey ee Qubrus.

Erdogan oo maanta ka hadlayey Ankara, ka hor inta uusan u safrin Washington, ayaa dhalleeceeyey tallabada Midowga Yurub, wuxuuna sheegay in Turkey ay ku shaqeeneyso si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

- Advertisement -

“Midowga Yurub, ogaada middan: Turkey kama mid ahan dalalka aad hadda barateen. Waxaan nahay waddan idinla fadhiya miiska wada-hadalka…wada-hadalladan deg deg ayey u dhamaan karaan.” Ayuu yiri Erdogan.

Jasiiradda Qubrus ayaa waxa ay kala qeybsantay sanaddii 1974-kii kadib markii Turkey ay qabsatay qeyb ka mid ah oo ay degan yihiin dad Turkish ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories