HomeWararMadaxweynaha Puntland iyo Safiirka Sweden ee Somalia  oo kulan yeeshay

Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Sweden ee Somalia  oo kulan yeeshay

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Garoowe wefti ballaaran oo uu hogaaminayo Safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson. Kulanka uu Madaxweynuhu kula qaatay xafiiskiisa safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Garoowe wefti ballaaran oo uu hogaaminayo Safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson.

Kulanka uu Madaxweynuhu kula qaatay xafiiskiisa safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn Safiirka kusoo dhaweeyey Puntland, waxa uu uga mahadceliyey doorkii Iswiidhan ku lahayd dib u dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan horumarada kala duwan ee ay dalka ka geysteen.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarineed ee dalka Iswiidhan ka wadaan dalka iyo wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac.

Dhinaca kale safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaan-shihiisa Puntland, waxa uu tilmaamay in ay sharaf u tahay markii ugu horeysey inuu la kulmo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Safiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo dalkiisa, gaar ahaan Puntland ka dhexayso xiriir wanaagsan oo dhanka siyaasadda ah, isla mar’ahaantaana uu rajaynayo in la sii xoojiyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories