HomeWararMeydka Canug yar oo laga helay deegaan ku yaalla Gobolka Nugaal

Meydka Canug yar oo laga helay deegaan ku yaalla Gobolka Nugaal

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wararka aan ka heleyno deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaas Maanta laga helay Meydka Canug yar oo muddo todobaad la raadinayay. Meydka Canuga yar ayaa waxaa laga helay deegaanka Jilab ee duleedka Magaalada Garoowe, waxaana Canuga da’diisa lagu qiyaasay laba sano jir, kaasi oo waalidkii dhalay ay […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaas Maanta laga helay Meydka Canug yar oo muddo todobaad la raadinayay.

Meydka Canuga yar ayaa waxaa laga helay deegaanka Jilab ee duleedka Magaalada Garoowe, waxaana Canuga da’diisa lagu qiyaasay laba sano jir, kaasi oo waalidkii dhalay ay raadinayeen muddo shan maalmood ah.

- Advertisement -

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Korneyl Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Meydka Canuga yar ay ka dhex heleen goob Qashinka lagu shubo oo ku taalla deegaanka Jilab, isla markaana uu ku dhex jiray Jawaan.

Sidoo kale Taliye Muumin ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka Booliska Puntland ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan cidii ka dambeysay dhacdadaan foosha xun.

Si kastaba dadka deegaanka Jilab ee duleedka Magaalada Garoowe ayaa si weyn Maanta u hadal haaya dhacdadaan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in arrintaan ay ku Cusub tahay, isla markaana aan weli deegaanka horey looga arkin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories