HomeWararXeer ilaalinta Puntland oo ka laabatay Dacwadii ay ka gudbisay Xildhibaan Daad

Xeer ilaalinta Puntland oo ka laabatay Dacwadii ay ka gudbisay Xildhibaan Daad

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Xafiiska Xeer ilaalinta dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay inuu ka laabtay dacwadii ay kusoo oogi lahaayeen Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo 26-kii bishii hore Su’aal adeg weydiiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaalinta Puntland ayaa lagu shaaciyay in sababta Dacawdaas looga laabtay tahay, kadib markii uu heshiis dhexmaray Golaha Xukuumadda […]

- Advertisement -

Xafiiska Xeer ilaalinta dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay inuu ka laabtay dacwadii ay kusoo oogi lahaayeen Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo 26-kii bishii hore Su’aal adeg weydiiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaalinta Puntland ayaa lagu shaaciyay in sababta Dacawdaas looga laabtay tahay, kadib markii uu heshiis dhexmaray Golaha Xukuumadda maamulkaas iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu aqbalay dhambaal raali-gelin ah oo uga yimid Xildhibaan Cawil Xasan Daad, kaasi oo ay u keeneen Xildhibaano ka tirsan Puntland kana dalbadeen inuu iska Cafiyo lagana laabto  dacwadii la gudbiyay, isagoona Deni arrintaas Aqbalay.

Xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Puntland ayaa dhawaan Guddoonka Baarlamaanka Puntland u diray waraaq uu kaga Codsanayo in xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad isla markaana ay ogolaadaan in lagu soo oogo dacwad ciqaab ah

Cawil Xasan Daad ayaa Su’aal la xiriirta dhanka amniga weydiiyay Madaxweyne Deni, taasi oo buuq  ka dhex dhalisay fadhiga Baarlamaanka, iyadoona Madaxweyne Deni Su’aashaas si adeg uga Jawaabay, kadiba isaga oo careysan ka baxay Hoolka Baarlamaanka Puntland

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories